Sheekh Aadan Madoobe oo magaalada Muqdisho kula kulmay guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle

Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle

Hoggaamiyaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa caawa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle.

Kulanka oo si qoto dheer diiradda loogu saaray xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta deegaanada Koonfur Galbeed, ayaa hadane waxaa si gaar ah loo dul istaagay xaaladda adag ee ka jirta degmada Buurhakaba, halkaas oo ka mid ah meelaha ugu baahida badan oo u baahan in loo sameeyo gurmad degdeg ah.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay saameynta abaarta iyo xaaladaha nololeed ee saameeyay bulshooyinka ku nool gobolada maamulkaas, waxaana la isla qaatay in la dardar-geliyo gaarsiinta gargaar degdeg ah, si wax looga qabto baahiyaha aasaasiga ah ee dadka ay saameeyeen abaaraha.

Dhinaca kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay shirka arrimaha bani’aadannimada ee la filayo inuu ka qabsoomo magaalada Baydhabo, kaas oo lagu doonayo in lagu mideeyo qorshayaasha gurmadka iyo taageerada loo fidinayo dadka nugul.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray khataraha ka dhalan kara isbeddelada cimilo iyo roobabka dayrta, kuwaas oo sababi kara fatahaado iyo xaalado degdeg ah oo sii adkayn kara duruufaha nololeed ee bulshada.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad ku saabsan xoojinta iskaashiga u dhaxeeya hay’adaha dowladda iyo kuwa samafalka, si loo dardargeliyo gurmadka degdegga ah, loona yareeyo saameynta abaarta iyo musiibooyinka dabiiciga ah.