Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Booqashadan ayaa kusoo beegmaysa xilli magaalada Dhuusamareeb la filayo in ay si rasmi ah uga bilawdaan doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay dowladda federaalka Soomaaliya waddo, kuwaas oo qeyb ka ah dadaalada dib-u-habaynta nidaamka doorashooyinka dalka.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in safarka Agaasime Mahad Maxamed Salaad uu la xiriiro dadaalo dhexdhexaadin ah oo u dhaxeeya madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo haatan ku kala aragti duwan hannaanka doorasho ee la qorsheynayo inuu ka qabsoomo deegaanadda Galmudug.
Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu isna gaaro magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu kula kulmi doono madaxweynaha Galmudug, si ay uga wada hadlaan arrimaha la xiriira hannaanka doorasho ee laga hirgelinayo deegaanada maamulkaas.
Sidoo kale, maamulka Galmudug ayaa horay u jeediyay eedeymo culus oo ka dhan ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka, C/kariin Axmed Xasan, kaas oo lagu eedeeyay inuu ku milmay arrimo siyaasadeed oo saameyn ku yeelan kara dhexdhexaadnimada guddiga.
Ugu dambeyn, maamulka ayaa sheegay in haddii guddiga doorashadu uu lumiyo dhexdhexaadnimadiisa, ay taasi dhaawici doonto kalsoonida lagu qabi karo natiijada doorashooyinka, isla markaana ay saameyn ku yeelan karto hufnaanta guud ee geeddi-socodka siyaasadeed.
Si kastaba ha ahaatee, socdaalka Agaasime Mahad Maxamed Salaad ee Dhuusamareeb ayaa la filayaa inuu xoojiyo wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo geeddi-socodka doorashooyinka.