Wararka saaka laga helayo degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi ay weli ka taagan tahay xiisad colaadeed oo u dhaxeeysa laba beelood oo wada dega deegaanka, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay uu dhex maray dagaalo sababay khasaare kala duwan.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qaybo ka mid ah degmada weli laga maqlayo rasaas goos-goos ah iyo iska hor imaadyo kooban, iyadoo dhinacyada is haya ay weli isku horfadhiyaan fariisimihii ay ku dagaalameen.
Dagaaladii ka dhacay degmada Jalalaqsi ayaa geystay khasaare kala duwan, iyadoo ay weli jirto cabsi xooggan oo laga qabo in colaaddu dib u qaraxdo haddii aan si deg-deg ah loo helin xal lagu dejiyo xiisadda.
Dhinaca kale, maamulka Hirshabeelle ayaa ugu baaqay labada dhinac ee ay colaaddu u dhaxeeyso inay si buuxda u joojiyaan dagaalada, isla markaana ay taageeraan dadaallada nabadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro khilaafka soo noqnoqday.
Dagaalkan ayaa, sida la sheegay, salka ku haya muranno iyo aanooyin qabiil oo muddo dheer soo jiitamayay, kuwaas oo marar badan sababay iska hor imaadyo ka dhacay deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
Sidoo kale, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo maamulka degmada Jalalaqsi ayaa wada dadaallo lagu dejinayo xaaladda, iyadoo ay socdaan kulamo iyo waanwaan nabadeed oo lagu doonayo in lagu xakameeyo xiisadda lagana hortago inay sii balaarato.
Si kastaba ha ahaatee, dadka ku nool degmada Jalalaqsi ayaa walaac xooggan ka qaba saameynta ay colaaddani ku yeelan karto amniga, nolol-maalmeedka shacabka iyo dhaqdhaqaaqyada ganacsiga, xilli ay sii kordhayaan baaqyada ku aaddan in si degdeg ah loo joojiyo dagaalada lana gaaro xal waara.