Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee sannad-dugsiyeedka 2026, kaas oo ay u fariisanayaan kumannaan arday oo ku kala sugan gobollada dalka.
Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa munaasabadda furitaanka ku sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siisay horumarinta waxbarashada, isaga oo xusay in xukuumadda DanQaran ay maalgelin iyo dadaal muuqda ku bixisay kobcinta tayada waxbarashada iyo diyaarinta jiil aqoon leh oo hoggaamiya mustaqbalka dalka.


Wuxuu ra’iisul wasaaruhu tilmaamay in horumarinta waxbarashadu ay qeyb muhiim ah ka tahay himilooyinka qaran ee xukuumadda DanQaran iyo qorshaha isbeddelka Qaranka (NTP), kuwaas oo saldhig u ah tayeynta nidaamka waxbarashada, casriyeynta manhajka iyo horumarinta adeegyada tacliinta.


Ra’iisul wasaare Xamse ayaa adkeeyay in waxbarashadu tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar waara, dhismaha awoodda qaranka iyo kobcinta aqoonta bulshada, isagoo xusay in diinta Islaamku ay si weyn u dhiirrigeliso barashada cilmiga iyo kor u qaadista aqoonta.


Sidoo kale, wuxuu ardayda Soomaaliyeed ee u fariisatay imtixaanka qaranka ku boorriyay inay muujiyaan dadaal, kalsooni iyo karti, si ay u gaaraan natiijooyin wanaagsan oo u horseeda mustaqbal ifaya.


Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa bogaadiyay doorka wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, macallimiinta, waalidiinta iyo maamullada dugsiyada, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay diyaarinta iyo hirgelinta imtixaanka qaranka.