Hoggaamiyaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ugu wareejiyay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.
Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan golaha shacabka, mas’uuliyiin sare oo ka socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.
Marwo Sacdiya Yaasiin ayaa si ku-meel-gaar ah u sii hayn doonta xilka guddoomiyaha golaha shacabka ilaa laga soo dooranayo guddoomiye cusub.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka, C/laahi Cumar Abshirow, oo ka hadlay munaasabadda, ayaa si weyn u bogaadiyay hoggaamintii Sheekh Aadan Madoobe muddadii uu xilka hayay, isagoona xusay inuu door muuqda ka qaatay horumarinta howlaha sharci-dejinta, xoojinta wada-shaqeynta Golaha iyo ilaalinta habsami-u-socodka shaqada baarlamaanka.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa isna dhankiisa uga mahadceliyay guddoonka iyo xildhibaanada golaha shacabka wada-shaqeyntii iyo taageeradii ay siiyeen intii uu xilka hayay, isagoo sheegay in guulihii la gaaray ay ahaayeen natiijada dadaal wadajir ah iyo iskaashi dhex maray dhammaan xubnaha golaha.

Sii-hayaha guddoomiyaha golaha shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa iyaduna ku ammaantay Sheekh Aadan Madoobe kaalintii uu ka qaatay horumarinta golaha iyo xoojinta doorkiisa dowlad-dhiska dalka.

Waxay sheegtay in guddoonka golaha uu sii wadi doono gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee saaran, isla markaana mudnaan la siin doono howlaha sharci-dejinta, korjoogteynta hay’adaha dowladda iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Sheekh Aadan Madoobe ayaa Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ku wareejiyay warbixinta guud ee golaha shacabka, habraacyada maamulka iyo qorshaha istiraatiijiyadeed ee golaha, si loo xaqiijiyo sii socoshada shaqada golaha inta lagu jiro marxaladda kala-guurka.