Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga hadashay colaadda beeleed ee maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, iyadoo ugu baaqday dhinacyada ku lugta leh dagaalada inay si degdeg ah u joojiyaan rabshadaha iyo falalka aargoosiga ah ee sii hurinaya xiisadda.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ayaa lagu sheegay in dagaalada ka socda degmada ay sababeen dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hantiyeed oo soo gaaray shacabka deegaanka, iyadoo sidoo kale la xusay in ay jiraan falal la xiriira gubista guryo iyo dilal salka ku haya aanooyin beeleed.
Wasaaraddu waxay ugu baaqday maleeshiyaadka ku dagaallamaya deegaanka inay u hoggaansamaan baaqyada nabadeed, kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta colaadda, si loo badbaadiyo shacabka iyo hantidooda.
Sidoo kale, dowladda federaalka ayaa hay’adaha amniga faray inay dardargeliyaan dadaallada lagu xasilinayo degmada Jalalaqsi, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga iyo kala dambeynta deegaanka.
Dhinaca kale, waxaa degmada Jalalaqsi kusii jeeda wafdigii ugu horreeyay ee nabadeynta, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.
Wafdigan ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho odayaasha dhaqanka, maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo abuuro jawi wadahadal iyo heshiisiin horseeda in si rasmi ah loo soo afjaro colaadda.
Si kastaba ha ahaatee, dadaalladaan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jirto walaac isa soo taraya oo laga qabo in dagaaladu sii fidaan, haddii aan xal waara laga gaarin khilaafka soo noqnoqday ee u dhaxeeya dhinacyada ku dagaallamaya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.