Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay shirweynaha wadatashiga amniga ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka, kaas oo lagu falanqeynayo xaaladda amniga Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee heerarka kala duwan.
Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan wasiirrada amniga maamul goboleedyada, madaxda hay’adaha amniga heer federaal iyo heer maamul goboleed, iyo saraakiil sare oo ka tirsan laamaha amniga dalka, ayaa lagu tilmaamay madal muhiim u ah mideynta dadaalada lagu sugayo amniga iyo xasiloonida dalka.
Sidoo kale, shirkaan ayaa ah mid si gaar ah diiradda loogu saarayo qiimeynta xaaladda amniga guud ee Soomaaliya, horumarinta qaab-dhismeedka amniga qaranka, iyo dejinta qorshayaal mideysan oo wax looga qabanayo caqabadaha amni ee wali ka jira qeybo kamid ah dalka.
Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo si rasmi ah u furay shirka, ayaa sheegay in iskaashiga dhow ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu uu yahay saldhigga ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo amni waara iyo xasillooni siyaasadeed oo dalka ka hirgasha.


“Amniga Soomaaliya waa mas’uuliyad wadajir ah oo na wada saaran, si loo gaaro guul waarta, waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo wada-shaqeynta, isdhaafsiga xogaha amniga iyo isku-duwidda howlaha hay’adaha kala duwan ee amniga,” Sidaas waxaa yiri Wasiir Fartaag.
Dhinaca kale, Agaasimaha guud ee wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya, Maxamed Xasan Shire, ayaa sheegay in shirku uu yahay madal istiraatiiji ah oo lagu mideynayo aragtiyada iyo qorshayaasha amniga, si loo dhiso hannaan amni oo isku xiran, hufan, isla markaana awood u leh ka jawaabista khataraha amni ee soo wajaha dalka.

Dhammaan mas’uuliyiinta shirka kasoo qeyb-gashay ayaa ka doodi doona arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin hirgelinta qaab-dhismeedka amniga qaranka, horumarinta nidaamka booliiska cusub, maamulka iyo sugidda xuduudaha dalka, la dagaallanka dambiyada abaabulan, iyo kor u qaadista wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee heer federaal iyo heer maamul goboleed.

Ugu dambeyn, shirkaan ayaa la filayaa in laga soo saaro talooyin iyo go’aanno lagu xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha amniga, kuwaas oo saldhig u noqon doona dadaallada mustaqbalka ee lagu xaqiijinayo amni waara, xasillooni siyaasadeed iyo dowladnimo xooggan oo ka hanaqaadda guud ahaan Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, shirkaan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dardargelinayso qorshayaasha dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo xoojinta awoodda ciidamada qaranka, iyadoo la doonayo in la dhiso nidaam amni oo mideysan, casri ah, kana jawaabi kara baahiyaha amni ee dalka.