Wasiirka gaashaandhigga oo shaaciyay inay jiraan kooxo kasoo horjeeda dowladnimada Soomaaliya

Wasiirka gaashaandhigga oo shaaciyay inay jiraan kooxo kasoo horjeeda dowladnimada Soomaaliya

Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan kooxo iyo shaqsiyaad si joogto ah uga shaqeynaya sidii ay u wiiqi lahaayeen dowladnimada Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladda ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada iyo jiritaanka qaranka.

Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad uu habeenkii xalay kaga qeyb galay magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay weli wajahayso caqabado ka dhan ah dowladnimada iyo xasilloonida dalka, kuwaas oo uu ku sheegay inay ka imaanayaan kooxo kala duwan oo dano gaar ah leh.

“Waxaa jira cadow 24 saac ku mashquulsan sidii uu u wiiqi lahaa dowladnimada Soomaaliya, waxaana sidoo kale jira kooxo aaminsan kala goynta dalka iyo wiiqidda midnimada shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa xusay in inkastoo ay jiraan dadaallo lagu carqaladeynayo geeddi-socodka dowlad-dhiska, haddana dowladda federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowladda, sugidda amniga iyo ilaalinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu wasiirku sheegay in aysan jirin cid awood u leh inay hirgeliso qorshe kasta oo lagu kala qeybinayo dalka, isagoo muujiyay kalsooni ku aaddan awoodda shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee difaaca midnimada qaranka.

“Waxaa jira dad ku haminaya inay dalka kala qaybiyaan, balse Soomaaliya maanta waxay leedahay hay’ado dowladeed iyo shacab u taagan difaaca wadajirka iyo midnimada dalka,” ayuu yiri Wasiirka.

Dowladda federaalka ayaa marar badan ku celcelisay in ilaalinta midnimada dhuleed, madax-bannaanida iyo dowladnimada Soomaaliya ay ka mid yihiin mudnaanta ugu sarreysa ee ay ku shaqeyso, iyadoo sidoo kale ku baaqday in si wadajir ah looga hortago wax kasta oo khatar ku ah xasilloonida iyo jiritaanka qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmaed Macallin Fiqi ayaa kusoo beegmaya xilli ay dowladda federaalka waddo dadaallada lagu xoojinayo amniga, la dagaallanka kooxaha argagaxisada iyo hirgelinta qorshayaasha dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah.