Dowladda oo si adag uga hadashay fal xadgudub ah oo loo geystay gabar Soomaaliyeed

Wasiirka qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay fal xadgudub ah oo magaalada Muqdisho loogu geystay gabar Soomaaliyeed, kaas oo maalmihii ugu dambeeysay si weyn looga hadal hayay baraha bulshada, kaddib markii muuqaalo la xiriira falkaasi lagu baahiyay.

Wasaaradda qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in falkaasi uu yahay mid ka hor imaanaya diinteena islaamka, dhaqankeena Soomaaliyeed iyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiirka qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa falkaasi ku tilmaantay mid aad looga naxo aan loo dulqaadan karin, iyadoo xustay in loo baahan yahay dadaal wadajir ah oo lagu cirib-tirayo falalka noocan oo kale ah.

“Wuxuu falkani ka hor imaanayaa diinteena, dhaqankeenna iyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta, waxaana waajib nagu ah inaa ka hortagno falalka iyo xadgudubyada noocaan ah, si aysan markale u dhicin ama usoo noqon falkaan oo kale” ayay tiri wasiiraddu.

Wasiiraddu waxay ugu baaqday hay’adaha amniga inay dardargeliyaan baaritaanka dhacdada, isla markaana la horkeeno caddaaladda cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahayd falkaasi.

Sidoo kale, wasiiradda ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, ayna gacan ka geystaan sidii loo xaqiijin lahaa in caddaalad loo helo dhibbanaha, isla markaana aanay jirin cid ka baxsan sharciga.

Dowladda federaalka ayaa hore u sheegtay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata falal xadgudub ku ah karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadaan ayaa dhalisay falcelin xooggan oo ka timid bulshada qaybaheeda kala duwan, kuwaas oo ku baaqay in si degdeg ah caddaaladda loo horkeeno dadka ka dambeeyay falkaasi, lana xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo xuquuqda iyo badqabka haweenka Soomaaliyeed.