Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda loo haysto Sacdiya Bajaaj, oo wajahaysa eedeymo la xiriira kicin dadweyne, iyadoo la sugayo go’aanka kama dambaysta ah ee ay maxkamaddu ka gaari doonto kiiska.
Dhageysiga dacwadda oo qaatay ku dhowaad saddex saacadood ayaa maxkamaddu ku dhageysatay doodaha ay soo bandhigeen xeer ilaalinta, qareennada difaaca iyo sidoo kale hadallada eedeysanaha, ka hor inta aan la soo gabagabeyn marxaladaha dacwadda.
Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud (Saalax Dabaan), ayaa ku dhawaaqay in la xiray dhammaan fadhiyadii dhageysiga kiiska, isagoo sheegay in maxkamaddu dib u soo sheegi doonto waqtiga rasmiga ah ee lagu dhawaaqayo xukunka iyo go’aanka kama dambaysta ah.
Qareenka difaacaya Sacdiya Bajaaj, Abuukaate Xalane, ayaa sheegay in dacwadda lasoo gabagabeeyay, isla markaana hadda la sugayo go’aanka maxkamadda, isagoo sidoo kale tilmaamay inaysan jirin caddeymo iyo marqaatiyo ku filan oo lagu taageerayo eedeymaha loo jeediyay macmiilkiisa.
Dhinaca kale, Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dhawaan dib ugu celisay dacwadda xeer-ilaalinta, iyadoo ka dalbatay inay dhammaystirto qodobbo iyo caddeymo la xiriira kiiska, ka hor inta aan dib loo billaabin dhageysiga dacwadda.
Sacdiya Bajaaj oo muddo ka badan laba bilood ay u xirnayd dowladda Soomaaliya, ayaa maanta mar kale la horkeenay maxkamadda gobolka Banaadir, iyadoo la soo afjaray dhammaan marxaladihii dhageysiga dacwadda loo haysto.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa hadda la sugayaa go’aanka maxkamadda, kaas oo lagu kala caddayn doono eedeymaha loo jeediyay iyo jawaabaha ay soo bandhigeen dhinacyada dacwadda, iyadoo maxkamaddu ay tahay hay’adda kaliya ee awood u leh go’aaminta natiijada kiiskan.