Wafdi uu hoggaaminayo hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaddib safar shaqo oo maalmo qaatay oo ay ku joogeen magaalada Muqdisho.
Wafdiga Sheekh Aadan Madoobe ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Shaati-Gaduud ee magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay guddoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed, wasiirro, xildhibaanno, maamulka gobolka Baay, maamulka degmada Baydhabo, saraakiisha hay’adaha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa intii uu ku sugnaa Muqdisho kulamo kala duwan la yeeshay madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo wakiillo ka socday saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlay arrimo la xiriira horumarinta, amniga iyo xoojinta wada-shaqeynta dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed, kulamadaasi ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta mashaariicda horumarineed, kor u qaadidda adeegyada bulshada iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah ee deegaannada maamulka.
Sidoo kale, safarka Sheekh Aadan Madoobe ee magaalada Muqdisho ayaa qayb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo xiriirka wada-shaqeyneed ee ka dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya, maamul goboleedyada dalka iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo dardargeliyo qorshayaasha horumarinta, nabadeynta iyo dib-u-dhiska adeegyada bulshada.
Si kastaba ha ahaatee, dib u soo laabashada Sheekh Aadan Madoobe ee magaalada Baydhabo ayaa ku soo beegmaysa xilli Maamulka Koonfur Galbeed uu wado qorshayaal lagu xoojinayo amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta barnaamijyada mudnaanta u leh bulshada ku nool deegaannada maamulkaasi.