Maamulka Puntland ayaa maanta soo saaray qodobo iyo tallaabooyin cusub oo lagu xoojinayo ammaanka guud ee deegaannada maamulkaasi, kaddib shir ay yeesheen Wasaaradda Amniga, Guddiga Ammaanka Puntland iyo hay’ado kale oo la xiriira arrimaha amniga.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay in la mamnuucay dhaq-dhaqaaqyada sharci-darrada ah ee gaadiidka tiknikada ah iyo maleeshiyaadka hubeysan ee ka howlgala gudaha gobollada Puntland, iyadoo la adkeeyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata falal khatar ku ah amniga iyo xasilloonida.
Wasaaraddu waxay sidoo kale farriin adag u dirtay ciidamada ammaanka, iyadoo ku amartay inay sare u qaadaan feejignaanta, isla markaana si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaq kasta oo lid ku ah amniga deegaannada Puntland.
Dhinaca kale, maamulka Puntland ayaa mamnuucay abaabulka iyo qorista maleeshiyaad cusub gudaha deegaannadiisa, iyadoo uga digtay shaqsiyaadka iyo kooxaha ku howlan arrimahaas in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in saraakiil iyo xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku lug leh hurinta ama taageeridda falal lagu qalqalgelinayo amniga Puntland aan loo oggolaan doonin inay soo galaan deegaannada maamulka.
Maamulka Puntland ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu ilaalinayo nabadda, xasilloonida iyo wadajirka bulshada, xilli uu jiro walaac la xiriira xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee ka taagan qaybo kamid ah dalka.
Ilaa iyo hadda dowladda federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin eedeymahan cusub ee kasoo yeeray wasaaradda amniga Puntland, iyadoo la sugayo jawaabta rasmiga ah ee ay ka bixin doonto xaaladdaan sii xoogeysaneysa.
Si kastaba ha ahaatee, go’aamadaan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo marar badan saameyn ku yeeshay wada-shaqeynta heer federaal iyo heer maamul goboleed.