Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay inuu aad uga xun yahay xaaladda ka taagan Galmudug

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay inuu aad uga xun yahay xaaladda ka taagan Galmudug

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa dhaliilo culus u jeediyay dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay faragelin ku hayso geeddi-socodyada doorashooyinka maamul-goboleedyada dalka, isla markaana ay waddo hannaan siyaasadeed oo aan ku dhisnayn is-afgarad qaran.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay habka ay dowladda federaalku u maareynayso arrimaha siyaasadda dalka, gaar ahaan doorashooyinka maamul-goboleedyada, isagoo tusaale u soo qaatay xaaladda ka taagan Galmudug.

Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu ka xun yahay xaaladda ka taagan Galmudug, isagoo carrabka ku adkeeyay in shacabka reer Galmudug ay xaq u leeyihiin inay si madax-bannaan uga tashadaan mustaqbalkooda siyaasadeed, isla markaana aan la aqbali karin hannaan doorasho oo natiijadiisa horay loo sii qorsheeyay.

“Waad la socotaan maamul-goboleedyadii xoog ayaa lagu wada dardaray, waxaana ugu dambeysay Galmudug, aad ayaan uga xunahay waxa halkaas ka dhacay, ma ahan wax dadka Soomaaliyeed iyo dadka reer Galmudug u qalma ma aha in taladoodii gacanta lagu maroojiyo, oo shalay lagu yiraahdo doorasho la’aan iska jooga, maantana wixii la rabo laga sameeyo, talada madaxweyne Xasan Sheekh waa taas, taasina Soomaali ma anfacdo, waxayna u baahan tahay in laga dhiidhiyo lagana horyimaado,” Sidaas waxaa yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, isagoo sheegay in khilaafaadkii ka dhashay doorashooyinkii maamulkaasi ay sababeen xiisado iyo kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo weli saameyn ku leh deegaannada maamulkaas.

Dhinaca kale, Sheekh Shariif ayaa walaac ka muujiyay sida ay dowladda u wajahday geeddi-socodyada siyaasadeed ee maamulada kale, gaar ahaan Hirshabeelle, isagoo ku baaqay in la helo hannaan doorasho oo ku dhisan wadatashi, daahfurnaan iyo kalsooni siyaasadeed.

Wuxuu dowladda ku eedeeyay inay adeegsanayso awoodaha dowladda si loo caburiyo dadka ka aragtida duwan, isagoo sheegay in ciidamada qalabka sida looga baahan yahay inay xoogga saaraan sugidda amniga iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan ee khatarta ku ah dalka.

Ugu dambeyn, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in la joojiyo tallaabooyinka sii kordhin kara xiisadaha siyaasadeed, isla markaana la abuuro jawi wadahadal iyo is-afgarad ku dhisan oo lagu xalliyo arrimaha doorashooyinka iyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkan kasoo yeeray Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha ku saabsan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo Dowladda Federaalka, maamul-goboleedyada iyo mucaaradku ay kala wataan aragtiyo siyaasadeed oo ku saabsan jihada geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo mustaqbalka doorashooyinka dalka.