Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo xarigga ka jaray qeybta dhimirka haweenka isbitaalka Laansaleeti

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka oo xarigga ka jaray qeybta dhimirka haweenka isbitaalka Laansaleeti

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray qeybta caafimaadka dhimirka ee haweenka ee isbitaalka Laansaleeti, kaddib dayactir iyo dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameeyay, si kor loogu qaado tayada adeegyada caafimaad ee ay bixiso.

Munaasabadda furitaanka oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, maamulka caafimaadka iyo marti sharaf kale, ayaa lagu soo bandhigay horumarka laga sameeyay qeybta cusub iyo adeegyada la qorsheeyay in lagu bixiyo.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo tayo leh, casri ah, isla markaana loo wada siman yahay.

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka oo xarigga ka jaray qeybta dhimirka haweenka ee isbitaalka Laansaleeti

“Dowladdu waxaa ka go’an kor u qaadista adeegyada caafimaadka iyo dib-u-dhiska xarumaha bixiya adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, si loo xaqiijiyo daryeel caafimaad oo tayo leh oo gaara dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga taageerada ay ka geysatay hirgelinta mashruucan, isaga oo ku ammaanay doorkeeda ku aaddan horumarinta adeegyada caafimaadka iyo taageerada ay siiso Soomaaliya.

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka oo xarigga ka jaray qeybta dhimirka haweenka ee isbitaalka Laansaleeti

Ugu dambeyn, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada dib lagu dhisayo, laguna tayeynayo xarumaha caafimaadka dalka, si loo xoojiyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada loona horumariyo tayada daryeelka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, furitaanka qeybta cusub ee caafimaadka dhimirka haweenka ee isbitaalka Laansaleeti ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda ay dardar gelisay qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada dadweynaha, gaar ahaan caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah nolosha bulshada.