Wafdi uu hoggaaminnayo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray degmada Balanballe ee waqooyiga gobolka Galgaduud, halkaasi oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Agaasimaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa degmada Balanballe kusoo dhaweeyay maamulka degmada, wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Galmudug, kuwaas oo uga mahadceliyay booqashada iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada gobolka.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah socdaal uu Agaasimaha NISA ku marayo degmooyin iyo deegaanno ka tirsan waqooyiga gobolka Galgaduud, iyadoo safarkaan lagu xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha amniga, maamulka deegaanka iyo bulshada.

Agaasime Mahad Maxamed Salaad ayaa degmada Balanballe kulamo kula qaadan doono odayaasha dhaqanka, maamulka degmada, dhallinyarada, haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si looga arrinsado xal waara oo loo helo khilaafaadka beelaha ee soo noqnoqday ee ka dhacay degmadaasi iyo deegaannada ku xeeran.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta Galmudug ayaa rajeynaya in kulamada la filayo inay ka dhacaan degmadaasi Balanballe ay gacan weyn ka geystaan dejinta xiisadaha, xoojinta dib-u-heshiisiinta iyo adkeynta wada noolaanshaha bulshada deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, socdaalka Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo nabadeynta, dib-u-heshiisiinta iyo amniga deegaannada Galmudug, gaar ahaan meelaha ay saameeyeen colaadaha beelaha ee soo noqnoqday.