Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Addis Ababa, kulan muhiim ahna la yeelanaya Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Addis Ababa, kulan muhiim ahna la yeelanaya Abiy Axmed

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa safar shaqo ku gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo mudnaanta la siinayo arrimaha amniga, xasilloonida gobolka iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Addis Ababa, kulan muhiim ahna la yeelanaya Abiy Ahmed
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Addis Ababa, kulan muhiim ahna la yeelanaya Abiy Ahmed

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeelan doona ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Addis Ababa, kulan muhiim ahna la yeelanaya Abiy Ahmed

Labada mas’uul ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan arrimaha amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, iskaashiga gobolka iyo caqabadaha ka jira Geeska Afrika, iyagoo sidoo kale is dhaafsan doona aragtiyo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Addis Ababa, kulan muhiim ahna la yeelanaya Abiy Ahmed

Booqashadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Soomaaliya iyo Itoobiya dadaal ugu jiraan dib u xoojinta xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ku saleysan danaha wadaagga ah, iyadoo labada dal ay door muhiim ah ku leeyihiin amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Addis Ababa, kulan muhiim ahna la yeelanaya Abiy Ahmed

Si kastaba ha ahaatee, kulanka madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa la filayaa inuu horseedo is-afgaradyo cusub oo lagu xoojinayo wada shaqeynta labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta xiriirka gobolka.