Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, taas oo qeyb ka ah qorshaha dowladda ee lagu xoojinayo hay’adaha qaranka iyo kor u qaadidda tayada adeegyada loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso hirgelinta qorsheyaal lagu yareynayo ku tiirsanaanta kaalmada dibadda, iyadoo xoogga la saarayo kobcinta dhaqaalaha gudaha, horumarinta wax-soo-saarka iyo dhismaha hay’ado qaran oo horseedi kara isku filnaansho dhaqaale iyo mid maamul.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dhulka danta guud, isaga oo xusay in dowladda ay ka go’an tahay dhowrista hantida qaranka iyo ka hortagga ku takrifalka dhulalka loogu talagalay adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee mustaqbalka dalka.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale dhagax-dhigay xarunta cusub ee wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada, taas oo la filayo inay door muhiim ah ka qaadato hirgelinta siyaasadaha la xiriira ilaalinta deegaanka iyo wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada.



Si kastaba ha ahaatee, tallaabooyinkaan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda federaalka Soomaaliya ku dooneyso casriyeynta hay’adaha dowliga ah iyo xoojinta kaabeyaasha muhiimka u ah hannaanka dowladnimada iyo adeegyada bulshada.