Ciidanka booliska oo maanta goob fagaare ah ku gubay maandooriye kala duwan

Ciidanka booliska oo maanta goob fagaare ah ku gubay maandooriye kala duwan

Ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maanta goob fagaare ah ku gubay maandooriye kala duwan oo hore looga soo qabtay dekedda Muqdisho, kuwaas oo ay maxkamadda u xukuntay in la gubo.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, C/fitaax Aadan Xasan, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maandooriyaasha la gubay ay isugu jireen noocyada Bili-Bili iyo Tramadol, kuwaas oo si sharci-darro ah dalka lagu soo geliyay.

Ciidanka booliska Soomaaliyeed oo maanta goob fagaare ah ku gubay maandooriye kala duwan

Afhayeenka ayaa tilmaamay in maandooriyaasha la gubay loo adeegsan jiray in lagu waxyeeleeyo caafimaadka iyo mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoona digniin u diray ganacsatada ka ganacsada waxyaabahaas.

Ciidanka booliska Soomaaliyeed oo maanta goob fagaare ah ku gubay maandooriye kala duwan

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in hay’adaha amniga ay sii xoojin doonaan dadaallada lagula dagaalamayo soo gelinta iyo ka ganacsiga maandooriyaha, isagoona sheegay in cid kasta oo ku lug yeelata falalkaas tallaabo adag laga qaadi doono.

Ciidanka booliska Soomaaliyeed oo maanta goob fagaare ah ku gubay maandooriye kala duwan

Ugu dambeyn, afhayeenka booliska Soomaaliyeed, C/fitaax Aadan Xasan, ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga, si looga hortago faafitaanka maandooriyaha loona ilaaliyo badqabka, caafimaadka iyo mustaqbalka jiilka soo koraya ee dalka.