Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta madaxtooyada qaranka ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday dowladda Talyaaniga, kaas oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga, Matteo Piantedosi.
Labada dhinac ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay arrimo la xiriira amniga, horumarinta hay’adaha dowladda, maareynta socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha, iyo sidoo kale dardargelinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.


Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xiriirka qotada dheer ee kala dhaxeeya Talyaaniga, isaga oo xusay in iskaashiga labada dal uu door muhiim ah ka qaato dadaallada dib u dhiska hay’adaha dowladda, xoojinta amniga iyo horumarka Soomaaliya.


Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta hay’adaha dowliga ah iyo mashaariicda dib u dhiska dalka.

Si kastaba ha ahaatee, kulankaan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, iyadoo Soomaaliya iyo Talyaanigu ay wadaagaan xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo dan wadaag.