Wararka ka imaanaya deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay duqeyn culus laga fuliyay dhul howd ah oo ku dhow deegaankaas, halkaas oo la beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday dhul howd ah oo ku yaalla deegaanka Quracda Neyley, oo dhaca duleedka Masaajid Cali Gaduud, isla markaana la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda, kuwaas oo halkaas ka waday abaabul iyo isku uruursi ciidan.
Ilo xog ogaal ah oo ku sugan deegaanka ayaa sheegay in duqeynta ay ahayd mid si gaar ah loo bartilmaameedsaday goob ay kooxdu ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo militari, inkastoo aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalkaasi.
Sidoo kale, wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in howlgalka uu qeyb ka yahay duqeymo iyo hawlgallo isdaba-joog ah oo maalmihii u dambeeyay ka socday qaybo kamid ah gobolka Sh/dhexe, kuwaas oo lagu beegsanayo xarumaha iyo fariisimaha Al-shabaab.
Illaa iyo haatan ma jiro faahfaahin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda federaalka Soomaaliya ama saaxiibbada caalamiga ah ee fuliyay howlgalka, hase yeeshee waxaa la filayaa in warbixin dheeraad ah laga bixiyo xilliyadda soo socda.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda deegaanka ay duqeyntu ka dhacday ayaa lagu soo warramayaa inay weli kacsan tahay, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo aagga howlgalka ka dhacay.