Wafdi ay hoggaaminayso guddoomiyaha KMG ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wafdiga ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.
Guddoomiye Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo sidoo kale ah guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka, ayaa magaalada Baydhabo u tagtay ka qeybgalka xafladda caleemo-saarka hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), taas oo la filayo inay dhawaan ka qabsoonto magaalada.
Dhinaca kale, waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay magaalada Baydhabo soo gaaraan mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socda heer federaal iyo heer maamul goboleed, si ay uga qeyb galaan munaasabadda caleemo-saarka ee halkaasi ka dhici doonta.
Si kastaba ha ahaatee, ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo waddooyinka laga soo galo magaalada lagu arkayo ciidamo aad u badan oo heegan buuxa ugu jira sugidda amniga guud ee magaalada.

