Wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka oo kormeer ku tegay Ceeldheer

Wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka oo kormeer ku tegay Ceeldheer

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo amni oo ka dhan ah Al-shabaab.

Kormeerka ayaa kusoo beegmay xilli ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa deegaanka ay sii xoojinayaan howlgallada militari ee ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in horumarro laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxda.

Ujeeddada safarka mas’uuliyiinta ayaa ahayd inay si dhow u qiimeeyaan xaaladda amniga ee degmada Ceeldheer iyo deegaannada ku dhow, isla markaana ay u kuurgalaan heerka ay marayaan howlgalada ciidamada ka wadaan furimaha hore ee dagaalka.

Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ku sugan aagga, kuwaas oo warbixin ka siiyay xaaladda amniga, howlgalada socda iyo baahiyaha jira ee la xiriira sii xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale booqday fariisimo ay ku sugan yihiin ciidamada, iyagoo la kulmay askarta ku sugan furimaha hore, kana xog wareystay xaaladdooda iyo duruufaha ay ku shaqeynayaan.

Ugu dambeyn, Wasiir Axmed Macalin Fiqi iyo Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa ciidamada ku ammaanay geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen, iyagoo ku boorriyay inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo ciribtirka Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso taageerada iyo dhiirrigelinta ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, xilli ay socdaan howlgallo lagu doonayo in lagu xoreeyo deegaannada ay weli ku sugan yihiin Al-shabaab laguna adkeeyo amniga guud ee dalka.