Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Xamse oo gaaray magaalada Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo ra'iisul wasaare Xamse oo gaaray magaalada Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ra’iisul wasaare Xamse waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), iyadoo ay goobta ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Socdaalka ra’iisul wasaare Xamse ayaa la xiriira ka qeybgalka munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), taas oo lagu wado inay ka dhacdo magaalada Baydhabo.

Sidoo kale, magaalada Baydhabo waxaa ku sugan mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda iyo dowlad-goboleedyada, oo ay kamid yihiin Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, iyo Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), kuwaas oo u jooga ka qeybgalka munaasabadda.

Dhinaca kale, ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamo dheeraad ah la geeyay gudaha magaalada iyo hareeraheeda si loo xaqiijiyo amniga munaasabadda caleemo-saarka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa magaalada Baydhabo haatan ka socda dhaq-dhaqaaqyo amni oo aad u ballaaran, waxaana la arkayaa diyaarado hawada sare ka sameynaya duullimaadyo la xiriira sugidda amniga, xilli Baydhabo ay martigelinayso madax iyo wufuud ka kala timid qeybaha kala duwan ee dalka.