Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka qeyb galay janaasada Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka qeyb galay janaasada Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeyb galay salaadda janaasada Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali, iyadoo ay sidoo kale goobta ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, duubabka dhaqanka iyo culumaa’udiinka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo mas’uuliyiintii kale ee ka qeyb galay janaasada ayaa marxuumka ku tilmaamay shaqsi door muhiim ah ku lahaa adeegga bulshada, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayey dib u heshiisiinta, wadajirka bulshada iyo nabadeynta Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay janaasada Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Imaam Maxamed Yuusuf Cali uu ka mid ahaa culimada iyo odayaasha bulshada ee kaalinta muuqata ka qaatay mideynta shacabka iyo taageeridda geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka, isagoona xusay in kaalintii iyo raadkii wanaagsan ee uu ka tagay marxuumka ay sii jiri doonaan, isla markaana ay bulshada Soomaaliyeed xusuusan doonto.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay janaasada Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh a ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku, isagoona Alle uga baryay in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo Imaam Maxamed Yuusuf Cali, halka qoyskiisa iyo dadka uu ka geeriyoodayna uu ka siiyo samir iyo iimaan.