Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya ciidamada amniga Jubbaland, ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Baqdaad oo u dhow degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay, in howlgalka lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, iyadoo wasaaraddu sheegtay in howlgalkaasi lagu dilay laba sarkaal oo sare iyo 14 dagaalyahano oo ka tirsanaa kooxda.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay in ciidamada ay nolol ku qabteen laba xubnood oo ka tirsan hoggaanka Al-Shabaab, isla markaana ay gacanta ku dhigeen hub iyo qalab ciidan oo la sheegay in kooxda u adeegsan jirtay fulinta weerarro iyo falal amniga lid ku ah.
“Howlgalka ayaa lagu beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, waxaana lagu dilay laba ka mid ah saraakiisha sare ee kooxda iyo 14 dagaalyahan oo kale, sidoo kale, ciidamada ayaa nolol ku qabtay laba hoggaamiye oo kale oo ka tirsan Al-shabaab, iyo hub iyo qalab ciidan oo ay kooxda u adeegsan jirtay fulinta weerarro iyo falal amniga lid ku ah,” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.
Ugu dambeyn, wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ay sii socon doonaan, iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay marar badan ku celcelisay inay ka go’an tahay wiiqidda awoodda kooxda iyo dib u soo celinta amniga deegaannada ay weli kaga sugan tahay dalka.
