Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in horumar laga sameeyay wada-hadallada u dhaxeeya dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo maalmahaan ka socday magaalada Muqdisho, iyadoo dhinacyadu ay ka wada hadlayaan hannaanka doorashooyinka dalka.
Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in kulamadu ku billowdeen jawi wanaagsan oo muujinaya isu soo dhowaansho iyo wada-shaqeyn siyaasadeed, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka gaarista is-afgarad ku saabsan arrimaha doorashada, isagoona xusay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay sii wadista wada-hadallada iyo xoojinta wadatashiyada lagu raadinayo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah taageerada ay siiyaan dadaallada lagu dhiirrigelinayo wada-hadalka iyo is-fahamka dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay muddooyinkii dambe mudnaan gaar ah siisay hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod, iyadoo diiradda saartay diyaarinta sharciyada lagama maarmaanka u ah doorashooyinka, dhismaha hay’adaha doorashada iyo wadatashiyo lala yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada.
Saalax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in inta badan dhinacyada ka qeybgalaya wada-hadallada ay isku raacsan yihiin mabda’a ah in shacabka Soomaaliyeed ay helaan fursad ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda, isla markaana dalka uu yeesho nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan axsaab siyaasadeed oo badan.
Wuxuu intaas ku daray in qodobada wali dooddu ka taagan tahay ay u badan yihiin habraacyada iyo qaabka loo hirgelinayo doorashada, balse uu aaminsan yahay in arrimahaasi lagu xallin karo wadahadal, tanaasul iyo is-afgarad siyaasadeed.
Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda ay sii wadi doonto la-tashiyada ay la yeelanayso siyaasiyiinta mucaaradka, maamul-goboleedyada, ururrada bulshada rayidka, culimada iyo qeybaha kale ee bulshada, si loo helo hannaan doorasho oo ay ku mideysan yihiin dhinacyada siyaasadda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuu rajo ka muujiyay in wada-hadallada socda ay horseed u noqdaan heshiis siyaasadeed oo ballaaran, kaas oo gogol xaar u noqda qabsoomidda doorasho dimuqraadi ah oo shacabka Soomaaliyeed si toos ah uga qeyb qaataan.
Si kastaba ha ahaatee, wada-hadalladaan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sare u kacayeen doodaha la xiriira nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta, iyadoo dowladda federaalka ay ku adkeysaneyso hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod, halka qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay weli qabaan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan qaabka ugu habboon ee loo maareyn karo geeddi-socodka doorashooyinka.