Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada lagu dilay Maxamed Diiriye Catoosh, oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka.
Kooxihii falka dilka ah geystay ayaa la sheegayaa inay isku dayeen inay marxuumka ka dhacaan taleefanka gacanta, balse ay rasaas ku fureen, taas oo sababtay geeridiisa.
Sidoo kale, marxuum Maxamed Diiriye Catoosh ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ardaydii sanadkan ka qalin-jabisay dugsiyada sare ee Puntland, iyadoona geeridiisa ay murugo ku abuurtay qoyskiisa, saaxiibbadiis iyo bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo.
Dhinaca kale, taliska booliska gobolka Mudug ayaa xaqiijiyay inay bilaabeen baaritaanno ku saabsan dhacdada, iyadoo ciidamada ammaanku ay wadaan howlgallo lagu raadinayo dad looga shakisan yahay inay dilka ku lug lahaayeen.
Si kastaba ha ahaatee, dilkaan ka dhacay xaafadda Garsoor ee waqooyiga Gaalkacyo ayaa kusoo beegmaya xilli laamaha ammaanka gobolka Mudug ay wadaan howlgallo lagu xoojinayo amniga iyo ka hortagga falalka dambiyada ee ka dhaca Gaalkacyo iyo deegaannada ku dhow.