Dowladda Soomaaliya oo xirtay askar lagu eedeeyay fal ka dhan ah calanka Mareykanka

Wasiirka gaashaandhiga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi

Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in la xiray shaqsiyaad ku labisnaa dareyska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaal muujinayay iyagoo ku dul taagan calanka Mareykanka.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu caddeeyay in falkaasi uu ka hor imaanayo qiyamka, anshaxa iyo hab-dhaqanka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, isla markaana aanu ka tarjumayn mowqifka rasmiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha amniga dalka.

Wasaaraddu waxay xaqiijisay in dhammaan shaqsiyaadkii lagu tuhmay inay ku lug lahaayeen dhacdada la xiray, iyadoo xustay in baaritaanno rasmi ah ay socdaan, si loo ogaado duruufaha ku xeeran dhacdada iyo cid kasta oo mas’uuliyad ka saaran tahay.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabooyin sharci iyo kuwo anshaxeed laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahayd falkaasi, marka la soo gabagabeeyo baaritaannada socda.

Dhinaca kale, wasaaradda gaashaandhigga ayaa xustay in dowladda federaalka Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siiso iskaashiga dhinaca amniga ee kala dhexeeya Mareykanka, iyadoo tilmaantay in wada-shaqeynta labada dal ay door weyn ka qaadatay la dagaallanka Al-shabaab iyo Daacish, iyo sidoo kale taageerada dib u dhiska hay’adaha amniga dalka.

Ugu dambeyn, wasaaraddu waxay ku celisay ixtiraamka ay Soomaaliya u hayso dowladda Mareykanka iyo shacabkeeda, iyadoo adkaysay inay ka go’an tahay sii wadidda iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, tayeynta ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada.