Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maalintii shalay magacaabay golaha wasiirrada cusub ee maamulkaasi, isagoo sheegay in tallaabadaan ay ku salaysan tahay dastuurka Koonfur Galbeed iyo baahida loo qabo dardargelinta howlaha dowladda.
Golaha wasiirrada cusub ee la magacaabay ayaa ka kooban 55 xubnood, kuwaas oo isugu jira 26 wasiir, 3 wasiiru-dowle iyo 26 wasiir ku-xigeen, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Magacaabista cusub ayaa lagu sameeyay isbeddello wasaaradaha muhiimka ah, iyadoo wasiirka amniga gudaha loo magacaabay Isaaq Maxamed Isaaq, halka wasiirka maaliyadda isna loo magacaabay Xuseen Maxamed Xaaji.
Sidoo kale, C/qaadir Cumar C/laahi (Baasto) ayaa loo magacaabay wasiirka qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Maxamed Cusmaan Maxamed waxaa isna loo magacaabay wasiirka kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga, halka Fahad Maxamed Xuseen loo magacaabay wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda.
Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa sheegay in magacaabista golaha wasiirrada cusub ay qayb ka tahay qorshaha lagu xoojinayo howlaha maamulka iyo dardargelinta adeegyada loo hayo shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.
Si kastaba ha ahaatee, golahaan wasiirrada cusub ayaa wajihi doona hawlo la xiriira horumarinta adeegyada dowladda, xoojinta maamulka iyo fulinta qorshayaasha siyaasadeed iyo dhaqaale ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.



