Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad tababar loogu soo xirayay saraakiil iyo saraakiil-xigeenno dhammaystay sanadkii waxbarashada ciidan ee dugsiga tababarka TURKSOM ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda ayaa waxaa lagu soo bandhigay dhoolatus ciidan ay sameeyeen saraakiisha qalin-jabisay iyo cutubyada ay hoggaamin doonaan, iyadoo madaxweynaha uu ku ammaanay dadaalka, adkaysiga iyo hufnaanta ay muujiyeen muddadii uu socday tababarkooda.



Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in saraakiishan cusub ay laf-dhabar u noqon doonaan hoggaanka mustaqbalka ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay inay waajibaadkooda ku gutaan aqoon, daacadnimo iyo waddaniyad, si ay uga qeyb qaataan difaaca dalka iyo sugidda amniga shacabka.



Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay sii waddo qorshayaasha dib u dhiska, casriyeynta iyo tayeynta ciidamada qalabka sida, si loo helo ciidan leh awood iyo xirfad ku filan xaqiijinta amniga, difaaca qarannimada iyo xoojinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.



Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo horumarinta ciidamada, isagoo xusay in iskaashiga labada dal uu door weyn ka qaatay dhismaha iyo tayeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.


Si kastaba ha ahaatee, qalin-jabinta saraakiishaan cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dardargelinayso dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada iyo horumarinta hay’adaha amniga, iyadoo mudnaanta la siinayo dhismaha ciidan qaran oo awood u leh sugidda amniga iyo difaaca dalka.