Guddoomiyihii golaha guurtida Somaliland oo si rasmi ah xilka iskaga casilay

Guddoomiyihii golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo xilka iska casilay

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii guddoomiyenimada iyo xubinnimadii golaha guurtida, kaddib muddo ka badan labaatan sano oo uu hoggaaminayay golahaas.

Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa go’aanka is casilaadda kaga dhawaaqay fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen mudanayaasha golaha guurtida, isagoo sheegay in da’diisa iyo culayska xilka ay yihiin sababaha ugu waaweyn ee ku qasbay inuu ka tago xilka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in da’du ay saameyn ku yeelatay awooddiisa shaqo, isla markaana uu doonayo inuu xilka baneeyo isaga oo weli haysta awoodda go’aan qaadasho islamarkaana tilmaamay inuu dareemayo in tallaabadiisu gaabis noqotay, sidaas darteedna uu doortay inuu waqtigan ka tago hoggaanka.

Wuxuu sidoo kale mudanayaasha golaha guurtida ka codsaday inay aqbalaan go’aankiisa, isagoo sheegay inuu diyaariyey waraaqda rasmiga ah ee is casilaadda.

Saleebaan Maxamuud Aadan, oo 92 jir ah, ayaa guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland ahaa tan iyo sannadkii 2004, waxaana lagu tiriyaa siyaasiyiinta ugu muddada dheer ee xil sare ka soo qabtay Somaliland.

Dhinaca kale, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa intii uu hoggaaminayay golaha guurtida, wuxuu kaalin ka qaatay dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasadeed, arrimaha nabadaynta iyo dadaallada lagu ilaalinayo xasilloonida siyaasadeed ee Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, is casilaadda guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa soo gabagabaynaysa marxalad dheer oo uu ka mid ahaa hoggaanka sare ee Somaliland, iyadoo hadda la sugayo habraaca lagu dooranayo guddoomiyaha cusub ee golaha guurtida.