Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka ka bilaabay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho howlgal burburin ah oo ay kula wareegayaan dhulal ay dowladdu sheegtay inay yihiin hanti dowladeed, taas oo keentay in qaar ka mid ah shacabka deegaanka ay ka hor yimaadaan.
Dadka deegaanka ayaa isugu soo baxay goobaha ay ciidamada tageen, iyagoo adeegsanaya dhagxaan iyo ulo, halka kooxo ganacsato ah ay wateen waraaqo la sheegay inay yihiin dukumentiyada la xiriira dhulalka.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay mararka qaar kor u ridayeen rasaas aad u culus, si ay dadka u kala eryaan, balse lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaastaas.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah shacabka ayaa sheegay in dhulalka la isku hayo ay ku jiraan kuwo ay muddo degganaayeen ama ay sheeganayaan inay leeyihiin, halka dowladda ay ku adkeysanayso in tallaabooyinkan lagu ilaalinayo hantida qaranka iyo dhulalka loogu talagalay adeegyada bulshada.
Si kastaba ha ahaatee, howlgalka ka socda degmada Kaxda ayaa qeyb ka ah qorshayaal ay dowladda federaalka Soomaaliya muddooyinkii dambe ka wadday degmooyinka magaalada Muqdisho, kuwaas oo la xiriira dib ula wareegidda dhulal ay sheegtay inay yihiin hanti dowladeed.