Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid C/laahi Deni, ayaa ka hadlay hannaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku waddo hirgelinta doorashada qof iyo cod, isagoo sheegay in loo baahan yahay nidaam doorasho oo ku dhisan kalsooni, cadaalad iyo tartan siyaasadeed oo dhab ah.
Deni ayaa sheegay in doorasho aan lahayn tartan furan ama natiijadeeda horay loo sii og yahay aysan ka turjumayn nidaam dimuqraadi ah, isagoo tilmaamay in shacabka ay tahay inay helaan awoodda go’aaminta cidda hoggaanka dalka qabanaysa.
Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa dhaliilay qaabka dowladda federaalka u wajaheyso hirgelinta nidaamka cusub ee doorashada, wuxuuna sheegay in arrimaha siyaasadeed ay u baahan yihiin wada-tashi iyo is-afgarad ay ka qeyb qaataan dhammaan dhinacyada ay khuseyso.
Deni ayaa xusay in Soomaaliya aysan ka jirin hay’ado doorasho oo si caddaalad ah u shaqeeya isla markaana lagu kalsoonaan karo, kuwaas oo uu sheegay inay muhiim u yihiin qabashada doorasho xor ah oo loo dhan yahay.
Ugu dambeyn, madaxweyne Deni ayaa ku baaqay in xasilloonida siyaasadeed ee dalka lagu gaari karo wada-hadal, ku dhaqanka sharciga iyo ixtiraamka rabitaanka shacabka, halkii lagu maamuli lahaa awood ama xoog.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo baxay madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii socdo khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka badalka dastuurka Soomaaliya.