Hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka (NISA) ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay howlgal qorshaysan ka fuliyeen degmada Garasbaaley ee duuleedka magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday laba qof oo ay hay’addu sheegtay inay xiriir la lahaayeen kooxda Al-shabaab.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay NISA, howlgalka ayaa ka dhacay gaar ahaan xaafadda Galmudug ee degmada Garasbaaley, waxaana lagu dilay mid ka mid ah labada qof ee la beegsaday, halka qofka kalena uu ku dhaawacmay howlgalka.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in tallaabadaasi ahayd mid si gaar ah loo qorsheeyay, isla markaana ciidamada ay ku guuleysteen inay gaaraan bartilmaameedyadii loo qorsheeyay.
Dhinaca kale, hay’adda NISA ma aysan shaacin magacyada iyo xogta aqoonsiga labada qof ee howlgalka lagu beegsaday, sidoo kalena ma aysan faahfaahin habka loo fuliyay howlgalka ama xog dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda qofka dhaawacmay.
Si kastaba ha ahaatee, howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay hay’adda NISA ka wado degmooyinka magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo xubno iyo shabakado lala xiriirinayo Al-shabaab, iyadoo dowladda ay sheegtay inay sii wadi doonto howlgalada lagu xoojinayo amniga caasimadda.