Dowladda Mareykanka oo ka hadashay falkii xadgudubka ahaa ee calankooda loogu geystay Soomaaliya

Dowladda Mareykanka oo ka hadashay falkii xadgudubka ahaa ee calankooda loogu geystay Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay muuqaal dhawaan lagu faafiyay baraha bulshada oo muujinayay shaqsiyaad ku labisnaa dareyska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen calanka Mareykanka.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in falalka noocaas ah ay dhaawici karaan xiriirka iskaashi ee muddada dheer ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo xustay taageerada Washington, ay Soomaaliya ka siisay dhinacyada amniga, horumarinta iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Qoraal kasoo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu Soomaaliya ka taageeray mashaariic iyo howlaha horumarineed oo ay ku baxeen balaayiin doolar, kuwaas oo ay ku jiraan xoojinta hay’adaha amniga, taageeridda dadaallada lagu sugayo xasilloonida dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada.

Safaaradda ayaa tilmaantay in iskaashiga amni ee labada dal uu qeyb ka yahay dadaallada lagu ilaalinayo shacabka Soomaaliyeed iyo danaha labada dhinac, iyadoo sheegtay in taageerada shacabka Mareykanka ay door muhiim ah ka qaadatay howlaha amniga Soomaaliya.

Dhinaca kale, safaaradda ayaa soo dhoweysay tallaabada ay dowladda federaalka Soomaaliya ka qaadday muuqaal baraha bulshada lagu faafiyay oo muujinayay dad ku labisan dareyska ciidamada amniga Soomaaliya oo ku xadgudbaya calanka Mareykanka.

Ugu dambeyn, safaaradda Mareykanka ayaa ku baaqday in lala xisaabtamo dadka ku lugta leh falalka wax u dhimaya xiriirka labada dal, iyadoo sheegtay in ilaalinta iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka ay muhiim u tahay danaha shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Mareykanka oo ka hadashay falkii xadgudubka ahaa ee calankooda loogu geystay Soomaaliya