Howlgal ka dhacay degmada Sablaale oo lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab

Howlgal ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ka fuliyeen gobolka Sh/hoose

Ciidanka kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay degmada Sablaale ee gobolka Sh/hoose, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in howlgalka lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, howlgalka ayaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, waxaana dadka la dilay ku jiray horjooge lagu tilmaamay inuu door muhiim ah ku lahaa abaabulka iyo hagidda maleeshiyaadka kooxda.

Ciidamada Danab ayaa sidoo kale burburiyay laba xarumood oo la sheegay in Al-shabaab u adeegsan jirtay tababarka maleeshiyaadkeeda iyo faafinta fikradaha xagjirka ah, iyadoona ay dowladda sheegtay in xarumahaasi ay ahaayeen goobo lagu abaabulo xubnaha kooxda laguna dhiirrigeliyo falalka amni-darrada ah.

Dhinaca kale, wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada socda ee lagu wiiqayo awoodda Al-shabaab, gaar ahaan goobaha ay ku leedahay gobolka Sh/hoose oo ka mid ah meelaha ay si joogto ah uga socdaan howlgallada militari.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay sii xoojisay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, iyadoo saraakiisha amniga ay ku celceliyeen in la sii wadi doono beegsiga horjoogayaasha, dagaalamayaasha iyo xarumaha kooxda si loo xoojiyo amniga loona yareeyo khatarta ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed.