Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Doha ee caasimadda Qatar, halkaas oo uu uga qeyb galayo munaasabadda aaska Amiirkii hore ee dalkaasi, Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Hamad International Airport kusoo dhaweeyay Wasiirka Gaadiidka Qatar, Sheekh Maxamed Bin C/laahi Bin Maxamed Al Thani, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qatar, Maxamed Axmed Sheekh Cali.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Qatar ay ku jirto maalmo baroordiiq ah kadib geerida Amiirkii hore, kaas oo door muhiim ah ku lahaa hoggaaminta dalkaasi iyo isbeddelladii horumarineed ee Qatar ka dhacay intii uu talada hayay.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu dowladda iyo shacabka Qatar u gudbiyo tacsi rasmi ah, isagoo muujinaya murugada Soomaaliya iyo xiriirka dhow ee ka dhaxeeya labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday in calanka qaranka hoos loo dhigo muddo saddex maalmood ah, si ay ula qeybsato Qatar murugada geerida Amiirkii hore ee dalkaasi, Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka dhow iyo taageerada la leh Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo taageerada hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.