Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu hakiyay qaar ka mid ah hawlaha ay hay’adaha gargaarka ka wadaan deegaannada uu maamulo, isagoo ku eedeeyay hay’adahaas inay ka leexdeen mabaadi’da gargaarka caalamiga ah isla markaana ay ku milmeen arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
Wasiirka gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Puntland, C/naasir Sheekh Yuusuf Xaaji Xirsi, ayaa sheegay in go’aankaasi uu yimid kadib markii ay maamulka Puntland u aragtay in qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka aysan si ku filan uga fulin deegaannada Puntland mashaariicdii iyo adeegyada muhiimka ahaa ee looga baahnaa.
Wasiirka ayaa sheegay in hay’adaha qaarkood, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya qorsheynta iyo fulinta mashaariicda, laga doonayo inay ku saleeyaan hawlahooda baahida shacabka, isagoo xusay in Puntland ay joojin doonto mashaariic aan wax ka tarayn danaha deegaannadeeda.
Sidoo kale, wasiirka ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah inaan gargaarka lagu saleyn baahida dhabta ah ee ka jirta deegaannada dalka, balse ay saameyn ku leeyihiin arrimo siyaasadeed.
Ugu dambeyn, wasiirka ayaa sheegay in dowladda federaalka ay Puntland ka hesho qeyb aad u yar oo u dhiganta 1% oo ka mid ah taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya la siiyo, halka inta badan gargaarka la siiyo gobollada koonfureed ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, tallaabadaan ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ay weli isku khilaafsan yihiin arrimaha doorashooyinka, wax ka beddelka dastuurka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka.