Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta kulan la yeeshay wasiirrada cusub ee uu dhowaan magacaabay, si loo dardargeliyo howlaha horyaalla xukuumadda iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee maamulka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta golaha wasiirrada, horumarinta adeegyada bulshada, adkeynta maamul-wanaagga iyo sidii loo mideyn lahaa qorsheyaasha wasaaradaha si ay uga jawaabaan baahiyaha shacabka Koonfur Galbeed.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa wasiirrada cusub ku boorriyay inay si hufnaan, daacadnimo iyo mas’uuliyad leh u gutaan waajibaadkooda shaqo, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay mudnaanta siinta adeegyada bulshada, isla-xisaabtanka iyo fulinta barnaamijyada horumarinta.
Dhinaca kale, wasiirrada cusub ayaa uga mahadceliyay hoggaamiyaha kalsoonida uu siiyay, iyagoo ballanqaaday inay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan horumarinta hay’adaha dowladda, tayeynta adeegyada bulshada iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee maamulka.
Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka Koonfur Galbeed uu dadaal ugu jiro dardargelinta waxqabadka hay’adaha dowladda iyo kor u qaadidda adeegyada loo fidiyo bulshada ku nool deegaannada maamulkaasi.