Wadahadallada u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo mucaaradka oo natiijo la’aan kusoo dhammaaday

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siyaasiyiinta mucaaradka oo kulan yeelanaya

Wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ee ku mideysan golaha mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan, kaddib markii labada dhinac ay ku heshiin waayeen qodobbadii ugu waaweynaa ee la xiriiray hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha siyaasadeed ee dalka.

Kulanka oo socday saacado badan ayaa lagu qabtay gudaha xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana garwadeen ka ahaa wakiillo ka socday beesha caalamka iyo dowladda Turkiga.

Qodobka ugu weyn ee sababay adkaanshaha wadahadallada ayaa la sheegay inuu ahaa dalabka mucaaradka ee ahaa in ajandaha lagu daro arrimaha la xiriira doorashooyinka maamul goboleedyada, halka dowladda federaalka ay ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro wadahadallada, iyadoo ku adkaysatay inaan laga doodin arrintaas, taas oo horey u ahayd caqabad ka dhex taagnayd dhinacyada.

Dhinaca kale, labada dhinac ayaa la sheegay inay isku soo dhawaadeen aragtida ah in dalka laga hirgeliyo doorasho toos ah oo shacabka ay si toos ah ugu doortaan hoggaamiyeyaasha, taas oo loo arko mid ka mid ah qodobbada ay ka gaareen isu soo dhowaansho siyaasadeed.

Sidoo kale, wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in dhinacyadu ay isku raaceen in kuraasta baarlamaanka lagu saleeyo nidaamka awood-qeybsiga beelaha ee 4.5, kaas oo hadda dalka ka jira. Arrintan ayaa ka duwan aragtidii dowladda federaalka iyo xulafadeeda ee ahayd in kuraasta lagu saleeyo nidaamka axsaabta siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, wadahadalladan ayaa qeyb ka ahaa dadaallada lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo dhinacyadu ay weli u baahan yihiin inay ka shaqeeyaan qodobbada kale ee aan heshiiska laga gaarin.