Ciidanka Danab oo hawlgal ay ka fuliyeen Sh/hoose ku dilay 9 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab

Ciidanka kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen gobolka Sh/Hoose lagu dilay sagaal xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo uu ku jiray horjooge hoggaaminayay kooxda.

Sida uu sheegay Taliska Kumaandooska Danab, hawlgalku wuxuu ka dhacay deegaanka Hantiwadaag ee gobolka Sh/Hoose, halkaas oo ciidamada ay ku bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku dhuumaalaysanayay deegaanka.

War kasoo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay in intii uu socday hawlgalku la dilay sagaal dagaalyahan oo ka tirsan kooxda, kuwaas oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogihii hoggaaminayay ee goobta ku sugnaa.

Taliska Danab ayaa sheegay in hawlgalkan uu qeyb ka yahay howlgallada joogtada ah ee ciidamada ammaanku ka wadaan deegaanno kala duwan oo dalka ah, kuwaas oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda iyo dhaqdhaqaaqyada Al-shabaab.

Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah kooxda, iyagoo xusay in Kumaandooska Danab ay awood u leeyihiin inay gaaraan goob kasta oo ay Al-shabaab isku daydo inay ku sameysato saldhigyo ama dhuumaalaysi.

Taliska ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in howlgalladu ay sii socon doonaan ilaa laga yareeyo khatarta Al-shabaab, waxaana shacabka loogu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka oo ay la wadaagaan xogaha la xiriira dhaqdhaqaaqyada kooxda.

Ciidanka kumaandooska Danab oo ah cutub si gaar ah loo tababaray ayaa door muhiim ah ku leh howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, iyagoo horey u fuliyay howlgallo kala duwan oo lagu beegsaday xubno iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxda gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kordhisay howlgallada milatari ee ka dhanka ah Al-shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay beegsanayaan dagaalyahannada, hoggaanka iyo shabakadaha taageera kooxda.