Baarlamaanka Turkiga oo muddo laba sano ah ku kordhiyay howlgalka ciidamadiisa ee Soomaaliya

Baarlamaanka Turkiga oo muddo laba sano ah ku kordhiyay howlgalka ciidamadiisa ee Soomaaliya

Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin uu soo gudbiyay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, kaas oo lagu kordhinayo muddo laba sano ah joogitaanka ciidamada qalabka sida ee Turkiga ee ka howlgala Soomaaliya, laga bilaabo 27-ka Luulyo 2026.

Ansixinta mooshinkan ayaa u oggolaanaysa ciidamada Turkiga inay sii wadaan taageerada dhinaca amniga ee ay siiyaan dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan howlaha la xiriira la dagaallanka kooxaha argagixisada, burcad-badeedda, kalluumeysiga sharci darrada ah, tahriibka iyo khataraha kale ee saameeya amniga Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.

Sida lagu sheegay mooshinka la ansixiyay, howlgalka ciidamada Turkiga ayaa kasii socon doona dhulka iyo biyaha Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan loo xilsaaray go’aaminta baaxadda, goobaha iyo muddada howlgalka, iyadoo lagu saleynayo xaaladda amni ee dalka.

Mooshinka ayaa lagu xusay in iskaashiga Turkiga iyo Soomaaliya uu soo bilowday sanadkii 2011, isla markaana uu ku dhisan yahay heshiisyo la xiriira difaaca, tababarka ciidamada, la-talinta amniga iyo horumarinta warshadaha milatariga.

Baarlamaanka Turkiga ayaa sheegay in inkastoo ciidamada amniga Soomaaliya ay horumar ka sameeyeen dhinacyada tirada iyo tababarka, haddana ay weli wajahaan caqabado dhaqaale iyo farsamo oo saameyn ku leh awooddooda hawlgal.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey uga codsatay Turkiga inuu sii wado taageerada dhinaca amniga ee uu siiyo Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, muddo kordhinta howlgalka ciidamada Turkiga ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ah iskaashiga amni ee labada dal, iyadoo Turkigu uu sii wadi doono taageerada uu ka geysto tababarka ciidamada Soomaaliya iyo xoojinta awoodda hay’adaha amniga ee dalka.