Golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay magacaabista afar xubnood oo ku biiraya golaha sare ee garsoorka, taas oo loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu hirgelinayo qodobbada dastuurka federaalka Soomaaliya ee 2026, gaar ahaan kuwa lagu xoojinayo hay’adda garsoorka.
Kulanka golaha wasiirrada, oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu meelmariyay magacaabista laba qareen sare iyo laba khabiir oo dhanka sharciga ah, kuwaas oo loo qorsheeyay inay xilka hayaan muddo shan sano ah, marka la dhammaystiro habraacyada ansixinta ee sharcigu dhigayo.
Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah; Maxamed-Deeq Macallin Aadan, Maryan Sheekh Cusmaan, Cabdirisaaq Maxamed Ismaaciil iyo Cabdulqaadir Cali Macallin, waxaana magacaabistan lagu sameeyay iyadoo la raacayo qodobka 145-aad ee dastuurka federaalka Soomaaliya ee 2026, kaas oo qeexaya qaab-dhismeedka iyo xubnaha golaha sare ee garsoorka.
Xubnaha kale ee golaha sare garsoorka ayaa xubinnimadooda ku yeelanaya xilalka ay hayaan, waxaana kuwaasi kamid ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Racfaanka ee Dowlad-goboleedyada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyo sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha.
Dhinaca kale, golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa isla kulankaan xilka kaga qaaday guddoomiyihii golaha tacliinta sare, iyagoo Maxamuud Axmed Jimcaale u magacaabay guddoomiyaha cusub ee hay’adda.
Ugu dambeyn, golaha wasiirrada ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka dhaqanka iyo fanka, heshiis iskaashi gaadiidka cirka ah oo dhex maraya Soomaaliya iyo Cumaan, iyo axdiga dhallinyarada Afrika oo lagu xoojinayo ka qeybgalka dhallinyarada ee arrimaha siyaasadda iyo horumarinta.