Wasiirka amniga gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya, Jeneraal C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa daahfuray qorshe cusub oo lagu hormarinayo amniga xuduudaha dalka, laguna xoojinayo la dagaallanka tahriibinta dadka, dambiyada abaabulan iyo dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah ee ka gudba xuduudaha.
Wasiir Fartaag oo ka hadlay munaasabadda daahfurka ayaa sheegay in sugidda amniga xuduudaha ay tahay mudnaan qaran, maadaama ay muhiim u tahay ilaalinta amniga gudaha, fududeynta isu-socodka sharciga ah iyo ka hortagga dambiyada caalamiga ah.
Wuxuu xusay in dowladda federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso dhismaha hay’ado amni oo leh awood, aqoon iyo farsamooyin casri ah, si ay uga jawaabaan caqabadaha la xiriira tahriibinta dadka, socdaalka sharci darrada ah iyo dambiyada abaabulan ee xuduudaha ka gudba.
Sidoo kale, munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, wakiillo ka socday dowladda UK, IOM iyo hay’ado kale oo taageera xoojinta amniga iyo maamulka xuduudaha, kuwaas oo muujiyay taageeradooda qorshahan cusub.
Si kastaba ha ahaatee, daahfurka qorshahan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu hormarinayo maamulka xuduudaha iyo tayeynta hay’adaha amniga, kuwaas oo loo arko kuwo muhiim u ah wax ka qabashada khataraha ka gudba xuduudaha dalka.