Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa si kulul uga hadlay safarkii dhawaan looga hor istaagay inuu ku tago magaalada Baydhabo iyo xaaladda siyaasadeed ee sii cakirmeysa ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Aadan Madoobe ayaa ku tilmaamay tallaabadaasi mid aan loo dulqaadan karin, isagoona xusay in arrintaasi ay si cad u muujineyso heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, Aadan Madoobe ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), inuu damacsan yahay inuu si gaar ah u soo xusho xildhibaannada uu doonayo, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo horseedi karta muran iyo qalalaase siyaasadeed.
Ugu dambeyn, Aadan Madoobe ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan doorasho oo hufan, loona siman yahay, islamarkaana si wadajir ah uga qeyb qaataan dhammaan dhinacyada ay khuseyso, si looga hortago khilaaf hor leh.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkan Aadan Madoobe ayaa ku soo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo saameyn muuqda ku yeeshay xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee guud ahaan gobolka.