Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday deegaanka Gandarshe ee gobolka Sh/hoose

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday deegaanka Gandarshe ee gobolka Sh/hoose

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal cirka ah ku gaaray deegaanka Gandarshe ee gobolka Sh/hoose, halkaas oo uu kula kulmay ciidamada dowladda ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, kuwaas oo dhawaan halkaasi ka saaray kooxda Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii uu ku sugnaa deegaanka Gandarshe kormeer ku sameeyay xaaladda guud ee deegaanka, isaga oo si gaar ah u eegay saameynta dagaalladii iyo burburka ka muuqda deegaanka, wuxuuna tilmaamay in Gandarshe ay tahay deegaan leh khayraad iyo muhiimad istaraatiiji ah balse si weyn u saameeyeen colaado iyo dayac muddo soo jiitamayay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay burburka iyo cidlaynta ku habsatay deegaanka Gandarshe, isaga oo xusay in ay halkaasi hore ugu noolaayeen dad badan oo hadda ay saameysay colaadda.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, isagoo ku ammaanay doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ee Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ee deegaanka Gandarshe ayaa kusoo beegmaysa xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo u dhaxeeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, taas oo maalmahan dambe sii xoogeysaneysay, iyadoo dowladda federaalka ay ciidamo dheeraad ah u dirtay magaalada Baraawe iyo deegaannada kale ee ku dhow.