Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, oo maanta gaaray magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud, ayaa halkaasi kulamo kala duwan kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, madaxda maamul goboleedka Galmudug, maamulka degmada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee deegaanka, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo dadaallada lagu xallinayo colaadaha soo noqnoqda ee ka dhaca deegaannada waqooyiga gobolka Galgaduud.


Agaasime Mahad Maxamed Salaad ayaa ka hadlay saameynta ay colaadaha beeluhu ku leeyihiin amniga, xasilloonida iyo horumarka bulshada, isagoo sheegay in khilaafaadkaasi ay caqabad ku yihiin isu socodka, ganacsiga iyo wada-noolaanshaha shacabka deegaanka.
Waxa uu ugu baaqay odayaasha dhaqanka, maamulka deegaanka iyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu joojinayo colaadaha muddada dheer saameynta ku yeeshay qaybo kamid ah Galmudug, si loo gaaro nabad waarta iyo xasillooni buuxda.

Sidoo kale, Agaasimaha NISA ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta shacabka iyo hay’adaha amniga, si loo xaqiijiyo amniga guud ee gobolka loogana hortago wax kasta oo khatar ku ah nabadda bulshada.
Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha NISA dadaallada uu ku bixinayo xoojinta amniga, dib-u-heshiisiinta bulshada iyo taageeridda qorshayaasha nabadaynta ee ka socda deegaannada Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, booqashada Mahad Maxamed Salaad ee magaalada Cabudwaaq ayaa kusoo beegmaysa xilli ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo amniga iyo dib-u-heshiisiinta bulshada ee Galmudug, si loo adkeeyo nabadda iyo horumarka gobolka.