Agaasimihii hore ee NISA C/laahi Sanbaloolshe oo si adag uga jawaabay hadaladii wasiirka gaashaandhigga

Agaasimihii hore ee NISA C/laahi Sanbaloolshe oo si adag uga jawaabay hadaladii wasiirka gaashaandhiga

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa si adag uga jawaabay hadalo uu maanta jeediyay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, kuwaas oo la xiriiray siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Sanbaloolshe ayaa ku tilmaamay hadallada wasiirka kuwo xambaarsan fariimo cabsi-gelin siyaasadeed, isaga oo sheegay in isaga iyo siyaasiyiinta kale aysan ka laaban doonin mowqifyadooda siyaasadeed, islamarkaana aysan u jilicsanaan doonin cadaadis kasta oo kaga yimaada dhinaca dowladda.

“Cabsi ma jebiso dad horay u bartay adkaysiga,” Ayuu yiri Sanbaloolshe, isaga oo xusay in waayo-aragnimada siyaasadeed iyo duruufihii kala duwanaa ee ay soo mareen ay ka dhigeen kuwo aan u nuglaan hanjabaado iyo cadaadis siyaasadeed.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in hadallada wasiir Fiqi aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin aragtida iyo mowqifyada siyaasadeed ee ay qabaan isaga iyo siyaasiyiinta kale ee dhaliilsan dowladda.

Dhinaca kale, C/laahi Sanbaloolshe ayaa qoraalkaan ku baahiyay bartiisa facebook-ga kadib markii wasiirka gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, uu sheegay in dowladda ay u naxariisatay qaar kamid ah mucaaradka, isaga oo ku eedeeyay inay qorsheynayeen falal horseedi kara rabshado iyo qalalaase amni oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, doodaha iyo eedeymaha isa soo taraya ee labada dhinac ayaa muujinaya heerka uu marayo loollanka siyaasadeed ee dalka, xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad xasaasi ah oo la xiriirta geeddi-socodka doorashooyinka iyo xaaladda amniga guud ee dalka.