Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta ka dooday cutubka 6-aad ee Dastuurka KMG

Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, iyagoo sii ambaqaaday doodaha ku saabsan dib-u-eegista Dastuurka KMG.

Kulanka waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim, waxaana ku wehliyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka C/laahi Cumar Abshirow, iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Aqalka Sare C/laahi Xirsi Timacadde.

Qodobka ugu muhiimsanaa ee kulanka maanta ayaa diiradda lagu saaray horumarinta doodaha ku saabsan cutubka 6-aad ee Dastuurka KMG, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay qodobbada u dhexeeya 80 ilaa 95.

Qodobbadan ayaa taabanaya arrimo aas-aasi u ah habsami u socodka dowladnimada, qaab-dhismeedka hay’adaha dowladda iyo sida awoodaha loo kala leeyahay loona maareeyo.

Sidoo kale, intii uu socday kulanka xildhibaanada waxay si faahfaahsan uga doodeen qodobbada khuseeya awoodaha madaxweynaha, xeerarka doorashooyinka, maamulka maaliyadda, iyo ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta.

Doodahani waxay qeyb ka yihiin qorshaha labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee ku aaddan xaqiijinta in Dastuurka KMG uu noqdo mid ka turjumaya rabitaanka shacabka, kana jawaabaya baahiyaha maamul wanaaga iyo hufnaanta dowladnimada.

Ugu dambeyntii, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim ayaa kulanka ka sheegay in doodaha cutubkan ay sii socon doonaan, islamarkaana lagu wadi doono fadhiga xiga ee labada Aqal, si loo hubiyo in dhammaan qodobada si buuxda looga doodo loona fahmo, loona diyaariyo go’aanada lagama maarmaanka u ah hirgelinta dastuurka.