Turkiga oo Soomaaliya usoo diray markabka qodista shidaalka iyo gaaska dabiiciga

Turkiga oo shaaciyay inuu Soomaaliya usoo diray markabka qodista shidaalka

Wasiirka Tamarta Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa shaaca ka qaaday in markabka casriga ah ee Çağrı Bey maanta kasoo ambabaxay dekedda Mersin Port ee dalkaasi Turkiga, isagoona kusoo jeeda xeebaha Soomaaliya, si uu u bilaabo hawlgallo qodis shidaal iyo gaas dabiici ah.

Markabkan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid ka mid ah kuwa ugu casrisan ee Turkiga leeyahay, loona adeegsanayo sahmin qoto dheer oo shidaal iyo gaas dabiici ah.

Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay bilowga iskaashi dhaqaale iyo horumarineed oo cusub oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada tamarta, amniga, iyo horumarka waara.

Waxaa la filayaa in hawlgallada markabkan ay ka qayb qaataan kobcinta awoodda Soomaaliya ee sahminta khayraadka dabiiciga ah iyo soo jiidashada maal-gashadayaasha caalamiga ah.

Sidoo kale, Turkiga ayaa horay Soomaaliya ugu soo diray saddex ka mid ah diyaaradiisa dagaalka ee F16, kuwaas oo ka qayb qaadan doona ilaalinta danaha ganacsi iyo iskaashi ee dalka ka socda.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabooyinkan ayaa muujinaya sida labada dal ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee dhinacyada tamarta, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la filayo in ay gacan ka geystaan sugidda nabadgelyada xeebaha iyo ka hortagga khataraha ka imaan kara badda.